MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaararaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay safiirka cusub ee dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Adre.
Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labad dal, dhammeystirka doorashooyinka dalka, Amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday kaalinta Mareykanka ee ku aadan wax ka qabashada abaaraha baahsan ee dalka ka jira.
Halkan hoose ka daawo sawirrada:-