Kulan looga hadlayey amniga oo lagu qabtay Beledweyne + Sawirro

0

BELEDWEYNE (SMN) – Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo ku xigaankiisa Yuusuf Dabageed ayaa shir gudoomiyey kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne.

Shirka amniga oo ay ka qeyb-galeen wasiirka amniga iyo taliyaasha ciidamada qeybahooda kala duwan ayaa looga hadlay qorshe sugan oo lagu xaqiijin karo amniga iyo xasilinta magaalada Baladweyne.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha hay’addaha amniga in todobaad gudihiisa is badal amni oo sugan laga dareemo Magaalada.

Beledweyne ayaa ah deegaan doorashada labaad ee Hirshabeelle, waxaana la filayaa in dhowaan lagu qabto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here