Sawirro: R/wasaare Rooble oo la kulmay wafdi ka socda Bangiga Adduunka

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Geeska Afrika Mr. Keith Hansen iyo wefdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka fuliyo Soomaaliya iyo kuwa qorsheysan.

Rooble ayaa  uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageeradiisa hay’adaha dowladda iyo horumarinta midaamka maaliyadeed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here