NEW YORK (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan Mareykanka ayaa kulamo ka wada magaalada New York oo uu uga qayb-galay shirka guud ee golaha loo dhanyahay ee QM.
Xamza ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada waddanka Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan, kaas oo ay ka wada-hadleen arrimo xadaasi ah.
Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo hadal qaaday arrimo ku aadan ammaanka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab oo ay haatan dowladda federaalka u raadineyso taageero caalami ah, wuxuuna ra’iisul wasaaruhu ka dalbaday xukuumadda Riyadh inay ku garab siiso gulufka haatan ka socda dalka.
Dhankiisa, Amiir Faysal Bin Farxaan oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday in dowladdiisa ay garab istaagi doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay in weligood uu kala dhexeeyay xiriir wanaagsan
Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee taageerada siiya dowladda federaalka, ayada oo mashaariicyo muhiim ah ka fuliso gudaha dalka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale horay kulan doceed ula yeeshay Agaasimaha Maamulka Bangiga Adduunka, Anna Bjerde, oo ay ka wada haldeen xoojinta iskaashiga labada dhinaca iyo taageerada Bangigu siiyo Soomaaliya, taasi oo u gogol xaareysa horumar waara iyo koboc dhaqaale oo dalkeenu gaaro.
Madaxda kale ee ay Xamza isku arkeen New York waxaa kamid ah Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken iyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dalalkooda kala dhexeeya Soomaaliya.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-