Hay’adda SoDMA oo kulan muhiim ah ku qabatay magaalada Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta Qabatay kulan degdeg ah oo fogaan arag ah, oo looga Arinsanayay u diyaargarowga iyo ka jawaab-bixinta khatar ka imaankarta El Niño.

 

Kulankan oo ay soo Qabanqaabisay Hay’adda SoDMA ayaa waxaa looga hadlay Qorshaha u diyaargaroowga, isuduwidda hawlaha gargaarka iyo sidii goor hore wax looga qaban lahaa khatarta ka imaan karta fatahaadaha El Niño ay u geeysan karto deegaanno badan oo dalka ah.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay illaa 64 qof oo kala matalayay hay’ada kala duwan ee ka shaqeeya Gargaarka, Gurmadka Degdega, Safaaradaha dowladaha aynu walaalaha nahay, Deeq bixiyayaasha, Wasaaradaha Gargaarka Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here