Sawirro: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo booqday xarumo ku yaalla Balcad

0

BALCAD (SMN) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga degmada Balcad ayaa booqday Isbitaalka guud ee Balcad iyo qeybo ka mid ah magaalada oo ay ka mid yihiin buundada Iyo suuqa degmada Balcad.

Mudane Rooble oo uu kormeerkiisa ku wehliyaan madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen iyo madax kale ayaa waxay la kulmeen maamulka iyo howl-wadeennada Isbitaalka, iyagoo kala sheekeystay baahiyaha halkaasi ka jira iyo sida ay howluhu u socdaan.

Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale soo indha-indheeyay Buundada dhexmarta Magaalada, isagoo u kuurgalay goobaha ugu halista badan ee uu fatahaadda ka sameeyo Webiga Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here