Sawirro: R/W Xamza oo la kulmay Hoggaanka Rugta Ganacsiga Qatar

0

DOOXA (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka duulaya ahmiyadda uu dalka u leeyahay maalgashiga shisheeye, ayaa saaka kulan miro dhal ah la qaatay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar.

 

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii ganacsatada dalka Qatar ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Tamarta, Wax soosaarka badda iyo berriga iyo Kaabe-yaasha dhaqaalaha sida dekadaha Iyo garoomada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya laga cafin doono deynta, isla markaana dalka laga xoreyn doono kooxaha Khawaariijta, taasi oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka horumar buuxa ugu tallaabsan lahaa, una heli lahaa maalgashi caalami ah.

Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar ayaa sheegay inay daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya, iyada oo kulanka loogu soo bandhigay ganacsatada Qatar fursadaha maalgashi Iyo kheyraadka dalkeena Soomaaliya.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 β€”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here