Ra’iisul wasaare Xamza oo daah-furay mashruuc muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Hamza Abdi Barre iyo Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa si wadajir ah u daahfuray maanta Mashaariicda Damal Caafimaad iyo COVID-19 Vaccination.

 

Munaasabadda waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro heer Federaalka iyo heer dowlad goboleed, Xildhibaano Agaasimayaal, Xubna sare oo ka socday Hey’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya, dhaqaatiir daneeyayaashada Caafimaadka Soomaaliya, xubno ka socdah Dowlad goboleedyada iyo bahada Caafimaadka.

Mashaariicdan ayaa loogu talagaley in loogu faa’ideeyo bulsho waynta Soomaaliyeed ee u heelan in ay helaan adeeg Caafimaad, waxaana labadan Mashruuc ay ka mid yihiin mashaariicda waawayn ee sida aadka ah loo sugayey islamarkaana qeyb ka ah horumarinta Caafiaandka guud ee Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here