Sawirro: Rooble oo kulan la yeeshay madaxda hay’adaha warbaahinta dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay madaxda Hay’adaha Warbaahinta ayaa ammaanay kaalintoda wacyigelinta bulshada.

Rooble ayaa ka codsaday inay door weyn ka qaataan sidii indhaha shacabka iyo caalamka loogu soo jeedin lahaa gurmadka dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta saxaafadda uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka dalka ee uu hormuudka u yahay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay ka go’an tahay in doorashadu ku soo idlaato nabad, si looga gudbo xaaladda kala guurka ah ee haatan lagu jiro.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here