MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay madaxweyneyaasha Dowlad-goboleesyada Galmudug, Koonfur Galbeed i yo Hirshabelle, kuwaas oo haatan ku wada sugan magaalada Muqdisho.
Rooble iyo hoggaamiyeyaasha saddexda maamul goboleed ayaa ka wadahadlay xaaladda dalka iyo muranka hareeyey doorashooyinka dalka ee 2021-ka.
Kulankan ayaa wuxuu ku soo aadayaa ka hor Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ka furmaya gudaha magaalasa Muqdisho.
Dhammaan madaxda Dowlad-goboleedyada ayaa haatan wada jooga caasimadda, waxaana horay uu Rooble ula kulmay madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland.
Halkan hoose ka daawo sawirrada:-





![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)

