Sawirro: R/W Rooble oo munaasabad ballaaran uga qeyb-galay dalka Jabuuti

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Djibouti uga qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay sanad guuradii 9aad ee aasaaskii machadka Heritage ayaa machadka ku ammaanay kaalintiisa cilmi baarista iyo doodaha wax dhisaya ee khuseeya dalka iyo guud ahaan gobolka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale uga mahadceliyay madaxweynaha Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle doorkiisa nabadeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale Rooble ayaa la filayaa inuu maanta kulamo la yeeshay madaxda sare ee dalka Jabuuti oo uu kala hadli doono arrimo ay ka mid yihiin xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here