Sawirro: Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada Muqdisho

0

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ayaa si adag uga hadlay warar maalmihii ugu dambeeyey soo if-baxayay, kuwaa si oo ku qotoma in la siyaasadeynayo shaqada ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiishan waxa ay sheegeen in marna aysan aqbali doonin in la qabyaaladeeyo ciidanka Xooga dalka isla-markaasina ay ku milmaan siyaasadaha is diidan ee ka jira dalka.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ay difaacayaan dowladnimada dalka, isla-markaasina ay ka soo hor jeedaan wax weliba oo dhaawacaya sharafka iyo qaranmida Soomaaliya.

Korneyl Cabduqaadir Cabdulaahi oo ka mid ah saraakiishan ayaa sheegay in uusan jirin askari ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo ka soo baxay furumaha dagaalka, si uu qeyb uga noqdo xiisadaha ka jira magaalada Muqdisho

Dhankiisa Saddex Xarigle Maxmed Faarax oo madasha ka hadlay ayaa xusay inay diyaar u yihiin ka ciidan ahaa jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayo gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here