Shir u dhexeeyo madaxda DF iyo kuwa M/Goboleedyada oo ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta  caasimadda Muqdisho kulamo salaan iyo is xogwareysi ah kula qaatay qaar ka tirsan Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka.

 

Wasiir Xoosh ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada; Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Kulanka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo madaxda Dowlad Gobaleedyada; Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle daarnaa wadashaqeynta labada dhinac, hortabinnada iyo qaar kale.

Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa magaalada muqdisho soo gaaray maalmo ka hor, inta caasimadda ku sugan yihiin waxaa lagu wadaa in ay kulamo la yeeshaan qaar ka mid ah madaxda dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here