Sawirro: Sidee Ra’iisul wasaare Rooble loogu soo dhaweeyey Imaaraadka?

0

ABU DHABI (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, ayada oo horraantii bishan uu raalli-gelin ka bixiyey lacag Imaaraadka April 2018-kii looga qabtay garoonka magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here