Sawirro: Soomaaliya oo dib Safaaraddeeda uga furatay dalka Rwanda

0

MUQDISHO (SMN) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay shaacinaysaa in dib Safaaraddeeda uga furatay dalka Rwanda, iyadoo la fulinayo heshiiskii 26 Janaayo ay kala saxiixdeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Dhiggiisa Rwanda , Dr. Vincent Biruta.

Danjire Sahra Cali Xasan ayaa warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Madaxweynaha Rwanda, Mudane Paul Kagame , 26 bishan April, iyadoo ka ah Safiir “ma degane” Jamhuuriyadda Rwanda.

Danjire Sahra Cali ayaa sidoo kale nuqul ka mid ah warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Rwanda 25 bishan April.

Soomaaliya ayaa xoojinaysa xiriirka kala dhexeeya Rwanda, waxaana tallaabadan diblomaasiyadeed ay qeyb ka tahay qorshe lagu ballaarinayo matalaadda safiirrada Soomaaliya ee dalal dhowr ah oo ay ka noqonayaan ” Safiir ma degane” .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here