Sawirro: Taliye Xijaar oo ciidamo cusub tababar ugu soo xiray dalka Jabuuti

0

JABUUTI (SMN) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta halkaas tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, oo noqonaya dufcaddii 16-aad oo tababar heerkeedu sarreeyo ku qaadata dalkaas.

Taliyaha oo khudbad u jeediyey dufcaddan cusub ee Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay gudashada waajibka Qaran ee loo tababaray.

Sidoo kale waxaa tababarka dufcaddani qayb ka yahay, dadaallada dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u hantaan sugidda amniga dalka iyo ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here