BAYDHABO (SMN) – Wasiirada Xanaanada Xoolaha, Hassan Hussein Mohamed (Eeley ) iyo Beeraha Axmed Madoone Nuunow ayaa Maanta lagu soo dhaweeyey Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Wafdiga wasiirada ah waxaa Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ka soo dhaweeyey, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda KGS, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo, Sarakiisha Ciidanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Labada wasiir iyo wafdigooda ayaaa inta ay joogaan Baydhabo kulamo la qaadan doono madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo golihiisa wasiirada, kuwaas oo ku aadan wada shaqeynta labada dhinac.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-