Sawirro: Wafuud caalami ah oo oo soo gaartay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho wufuud caalami ah, kuwaas oo doonaya inay ka qeyb galaan xafladda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga maanta yimid Muqdisho oo isugu jira xubo horudhac u ah madaxda sare e dalalkooda iyo wakiillo dowladeed.

Xubnahan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka difaaca ee dalka Uganda  Vicent Bamulangaki oo ay wehliyaan saddex ka mid ah saraakiisha daljaasi,Lataliyaha Xafiiska Madaxweynaha dalka Yemen, Yaasiin Cumar Axmed iyo Feysal Yaasiin oo ah Iskuduwaha Guud ee Xafiiska Madaxweynaha Yemen.

Dhinaca dalka Masar waxaa ka mid ah illaaliyaha Guud R/wasaaraha Masar Major Maxamed Xasani. Iyo Major Ahmed Ibrahim Anwar oo hour dhac u ah madaxda sare ee dalkaasi.

Waxaa sidoo kale soo gaaray muqdisho wakiillo ka tirsan dowladaha Kenya iyo Baxrayn Ururka Isutagga Islaamka oo uu ka socdo Ibrahim Taha oo ah ergay ka tirsan OIC.

Soo dhoweynta Wafuudda caalamiga ah ee ka qeyb galaya Xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha JFS oo ka socota Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa horkacaya Wasiirka Amniga XFS Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji oo ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin ka socota Protocol-ka Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Xafladda caleema saarka madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inay ka qabsoonto Muqdisho 9-ka Bishan Juun oo ku beegan maalinta Khamiista ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here