Sawirro: Wasiirka Maaliyadda oo shirar muhiim ah kaga qeyb galaya Mareynkanka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Washington D.C ee dalka Mareykanka shirar muhiim ah kula leh madaxda Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunkan iyo xubno sarsare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Maaliyadda dowladda Mareykanka.

Wasiirka ayaa sheegay in shirarkan diirada lagu saarayo horurmarada laga sameeyay barnaamijka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo arrimaha dhamaystirka deyn cafinta Soomaaliya oo ay Hey’addaha dhaqaalaha calaamka ay muhiim u yihiin.

“Magaalada Washington, waxa aan shirar muhiim ah kula qaadanayaa masuuliyiinta Hey’adaha dhaqaalaha Caalamka sida Bangiga Adduunka iyo IMF oo maalmaha soo socda  aan ka wada hadli doonno dhameystirka hanaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale, Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay horumarinta hanaanka gaba-gabada deyn_Cafinta Soomaaliya oo loo soo maray  waddo dheer iyo Dadaal fara badan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  doonayso in ay dardar-geliso barnaamijka Deyn Cafinta iyo taageerada farsamo ee dhanka soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana wasiirka safarkiisa ku wehlinanaya Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya ee Washington Amb. Cali Shariif Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here