MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiika iyo Duulista Hawada Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Xildhibaan Fardowso Cismaan Cigaal oo Maal mahan Safar shaqo ku joogtay Dalka Malaysia ayaa kulan gaar ah la qaadatay Ra’iisul wasaaraha Malaysia Mudane Yab Dato’ seri Anwar.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Zambry Abdul Kadir oo isna madasha goobjoog ahaa
Wasiir Fardowso ayaa ugu horreyn Ra’iisul Wasaaraha Malaysia gaarsiisay salaan ay kaga siddey Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Faderalka Soomaliya Dr Xasan Shekh Maxamuud, iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaana kulankan looga hadlay sidii labada dal iskaga kaashan lahayeen Siyaasadda, Ganacsiga iyo qodobo kale oo hortabin uleh xidhiidhka labada Soomaaliya iyo Malaysia.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-