Faah faahin: Qarax khasaare geystay oo ka dhacay degmada Kaxda

0

MUQDISHO (SMN) – Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

 

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso uu ka dhacay agagaarka xarunta degmadaas, gaar ahaan goob ay gaadiidka ku baaraan ciidanka Booliska Milataaro ee haatan howlgallo amni xaqiijinta ka wada magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan laba qof oo shacab ah, isla-markaana waddada marayay ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen qaraxaasi, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo halkaasi ka sameeyay howlgallo kooban, balse ma jirto faahfaahin ay ka bixiyeen qaraxa.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weerarkan qaraxa loo adeegsaday uu ku soo aadayaa, xilli muddooyinkii dambe uu aad u wanaagsanaa amniga caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here