Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay ku-simaha Safaaradda Mareykanka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaashaadhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay ku-simaha Safaaradda Mareykanka Colleen Crenwelge iyo saraakiil ka tirsan Safaaradda Mareykanka ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan horumarinta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo la-dagaallanka Al-Shabaab.

Wasiirka iyo Saraakiisha safaaradda ayaa hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay horumarinta ciidanka ,la dagaalanka Al-Shabaab iyo in ciidamada Soomaliya ahmiyad gaar ah la siiyo si amniga guud ee Dalka loogu wareejiyo.

labada dhinac ayaa sidoo kale waxay isla garteen in ciidamada laga fogeeyo ku milanka siyaasadda xooggana la saaro sidii ay ula dagaalami lahaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Ugu dambeyn, wuxuu wasiirka uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub sida ay u garab taagan yihiin Dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here