Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashada xildhibaan ee ka dhacday Jowhar?

0

JOWHAR (SMN) – Doorashada laba kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

Kuraastan ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaanada kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh iyo Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), sida uu shaaciyey guddiga doorashada HirShabelle.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed ayaa helay 71 cod, halka musharixii la tartamayey ee Maxamuud Cali Bariise uu helay 14 cod, sidoo kale waxaa hallaabay 13 cod.

Cali Balcad oo sidoo kale ku guuleystay kursiga HOP#115 ayaa helay 86 cod, kadib markii ay u tanaasushay Marwo Mulki Cabdullahi Islow oo la tartami laheyd.

Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa haatan ku socoto si dardar-leh, waxaana lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo 25-ka bishan febraayo ee sanadka 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here