Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashada xildhibaan ee ka dhacday Muqdisho?

0

MUQDISHO (SMN) – Doorashada shan kursi oo ka tirsan golaha shacabka kana soo jeeda gobollada waqooyi ee dalka ayaa goordhow lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Xubnaha BFS ku matalaya maamulka Soomaaliland ee kusoo baxay shanta kursi ayaa kala ah, Axmed Cabdi Kooshin, Muuse Siciid Jaamac, Cali Maxamuud Aadan, Cali Cabdi Ibraahim iyo Cabdi qani Ismaaciil Siciid.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland, Khadar  Xariir ayaa sheegay in shanta kursi ee ay maanta doorashadoodu ka dhacday Muqdisho ay ugu soo dhammaadeen si qurux badan.

Guddoomiyaha ayaa Alle uga mahad celiyay sida habsamida leh ee ay doorashadu ugu socoto, wuxuuna raja wanaagsan ka muujiyay in inta yare ee hartayna ay ku soo dhamaadaan xilligii loo cayimay ama ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here