Shabelle oo la hadashay sarkaal Mareykan ah kadib go’aankii joojinta raashinkii Danab

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shaacisay khamiistii in musuq-maasuq lagu sameeyay, islamarkaana la leexsaday gargaarka cuntada iyo shidaalka ee dowladda Mareykanka siin jirtay ciidamada kumaandooska Danab.

 

Saraakiil katirsan AFRICOM ayaa Go’aanka lagu hakiyay raashiinkii Danab la wadaagay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya  C/fitaax Qaasim iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin kadib markii ay kula kulmeen Todobaadkan Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi.

Sarkaal sare oo katirsan Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa Shabelle TV u xaqiijiyay arintan, isagoo intaas ku daray in ay kala shaqeynayaan dowladda Soomaaliya sidii xal loogu heli lahaa musuq-maasuqa garaamka ciidanka.

Joojinta rashiinka Danab ee ka dhashay leexsashadda cuntada iyo shidaalka ciidamada Danab ayaa dhabar jab weyn ku ah dowladda Soomaaliya oo ku tiirsan taageerada Mareykanka dhanka la dagaalanka Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay xiran yihiin saraakiisha lagu eedeeyay arintan, islamarkaana ay saaxiibada caalamka ku wargelisay xatooyada dhacday, ayna la wadaagi doonto natiijada baaritaankeeda.

Lama shaacin tirada Saraakiisha kiiska ku lugta leh iyo magacyadooda, maadama uu baaritaan socdo. Raashiinka iyo shidaalka la siiyo Ciidanka ayaa la marsiiyaa shirkaddo ay dowladda qandaraas ku siisay, kuwaasoo la sheegay in si hufan u maamulin.

Sarkaal Mareykan ah ee la hadlay Shabelle TV ayaa sheegay in Washington ay ka walaacsantahay eedeymaha musuqmaasuqa raashiinkii ay ugu talagaleen Danab, taasoo taasoo la rumeysan yahay inay dhaawacayso kalsoonidii iyo wadashaqeyntii labada dhinaca ka dhaxaysay.

“Waxaa muhiim ah in la qaado tillaabooyin isla xisaabtan ah si looga hortago musuq-maasuq kale mustaqbalka lagu sameeyo raashiinka iyo shidaalka Danab,” ayuu yiri sarkaalka, u hadlay dowladda Mareykanka.

Ciidanka Danab ayaa ah tiir muhiim u ah dadaallada Mareykanka uu taageero ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab, oo khatar wayn ku haya amniga qaranka iyo midka dalalka geeska Africa.

Musuq-maasuqan ayaa soo ifbaxay bil kadib markii Mareykanka bishii February ee sanadkan ku dhawaaqay in shan saldhiga oo military u dhisayo Kumaandooska Danab, iyadoo uu ku bixinayo in ka badan 100 milyan oo doolar.

Ma ahan markii ugu horeysay oo la musuq-maasuqo taageerada beesha caalamka siiso Ciidanka Soomaaliya.

Mareykanka ayaa hakiyay kaalmadii militeriga sanadkii 2017 ka dib markii suuq madow lagu iibiyay cuntada iyo shidaalka askarta loogu talagalay.

Mareykanka ayaa sanadkii 2017-kii billaabay tababarka Danab, iyadoo xiligaas soo aarey 3,000 oo askari si ay uga fuliyeen howlgallada gaarka ee ka dhanka ah Al Shabaab oo tan iyo sanadkii 2006 waday dagaalka ka dhan ah dowladda Soomaaliya.

Danab ayaa tan iyo sanadkii 2022 si weyn ugu lug lahaa guluf militari eek a billowday dalka kadib doorashaddii Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana wajigiisa hore lagu guuleystay in Al Shabaab lagala wareego deegaano ka tirsan bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee howlgalka ayaa noqday mid gaabis iyo hakad ku yimid mudo bilooyin ah, iyadoo ciidamada dowladda ay kasoo baxeen degaano dhowr ah oo Galmudug katirsan, iyadoo  Al-Shabaab ay sii wado weeraro ay ka fulinayso dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here