Shacabka Somaliland oo saaka u dareeray goobaha cod-bixinta doorashooyinka

0

Shacabka ku dhaqan deegaanada Somaliland ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta, si ay u soo doortaan xildhibaannada golaha wakiillada iyo kuwa deegaanka ee maamulkaasi .

Gudiga doorashooyinka Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa si rasmi ah dhawaan ugu dhawaaqay tirada guud ee codbixiyaasha, waxaana doorashada codkooda dhiiban doonaa dadka gaaraya 1,065,847, kuwaa oo codkooda ka dhiiban doono 2,709 goobood oo loo asteeyay codbixinta.

Musharrixiin gaaraya 246 ayaa u tartamaha golaha wakiillada halka 552 ay u tartamayaan golaha deegaanka.

Doorashadan ayaa noqoneysa tii toddobaad tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Sidoo kale magaalada Hargeysa waxaa ilaa shalay gaaray madax badan oo ka kala socota dalal iyo ururro kala geddisan, si ay ula socdaan habka doorashada ay u dhacayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here