Shaki xoogleh oo ka dhashay saldhigga ay Itoobiya ka dhisaneyso Somaliland

0

MUQDISHO (SMN) – Mahad Wehliye Raan oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka falceliyay heshiiska muranka dhaliyay ee Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay ka hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Falanqeeye Mahad Wehliye ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ujeedkeeda uu yahay inay hesho aqoonsi, isla markaana ay ku deg degtay heshiiska ay la gashay dowladda Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in arrinta badda marka laga soo tego in heshiiskan uu qayb ka yahay saldhig milatari oo Itoobiya ay ka dhisaneyso Somaliland, taas oo ku tilmaamay arrin halis ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo falcelin xoogan ay ka dhalatay heshiiskii ay kowdii bishan Addis Ababa ku gaareen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaas oo abuuray xasaasiyad weyn, kadib markii ay dowladda Soomaaliya soo saartay qaraar ka dhan ah heshiiskaas oo ay tilmaamtay inuu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay qaranimada iyo sharafka Ummadda Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here