Shangaani iyo Bargaan oo xalay ku baratamay tartan aqooneedka Shabelle

0

Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku loolamay deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud iyo degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, kuwaas oo soo bandhigay tartan xiiso badan.

Bargaan iyo Yaaqshiid oo ku wada jira group-ka C ee wareega labaad ee tartanka ayaa waxa ay guushu raacday tartamayaasha degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Bargaad oo laga adkaaday ayaa heshay 4 dhibcood, halka Shangaani oo guusha la hoyatay ay keensatay 8 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle, Cabdullahi Cismaan Cadaani

Sidoo kale waxaa caawa tartanka isaga hor imaan doono degmooyinka Dayniile iyo Kaaraan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo diyaar ugu jiro ka qeyb-galka tartan aqooneedka Shabelle.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here