Muqdisho – Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, ayaa la sheegay inuu diiday codsi uga yimid Madaxweynaha hadda talada haya, Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu kula xiriiray qadka taleefanka si ay u yeeshaan kulan.
Sida ay warbaahinta Shabelle TV u sheegeen xubin ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran, xiriirka uu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yimid kadib markii uu ka war helay abaabulka kulan u dhaxeeya madaxda mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, kaas oo maanta qabsoomay.
Wararka ayaa tilmaamaya in Shariif Sheekh Axmed uu diidmadiisa ku sababeeyay kulamo hore oo dhowr ah oo uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo aan wax natiijo ah ka soo bixin marka laga reebo sawirro wadajir ah oo bulshada lala wadaagay.
Maanta, hoyga Shariif Sheekh Axmed waxaa ka socda kulan u dhexeeya mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, halka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isna la kulmayo kooxdiisa xarunta xisbigiisa, oo aan ka fogeyn hoyga Shariif.
Dalka ayaa galay xaalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo weli aan la isku raacin nooca doorasho ee dalka laga qaban doono. Waxaa xusid mudan in ay harsan tahay waqti kooban oo ku dhow dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.



