Shariif Sheekh Axmed oo xildhibaan loo doortay

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynahii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku guuleystay kursiga HOP146 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu ku qabsoontay magaaladda Jowhar.

Musharaxa la tartamayay oo ahaa Shariif Abuukar Axmed Sebriye ayaa ka tanaasulay tartanka, waxaana kadib loo qaaday codeyn gacan taag ah oo madaxweynahii hore uu ku helay 101 cod sida guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah xubnaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ee 4 sano ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here