Aadan Madoobe oo la kulmay guddiga BFS u qaabilsan baarlamaanka Adduunka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan ku xigeenadiisa ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Midowga Baarlamaanada Aduunka (IPU).

 

Guddoonka ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku saabsan shirka meertada 147-aad ee Midowga Baarlamaanada Aduunka oo ay xubnaha uga qeyb galeen magaalada Luanda ee caasimada dalka Angola, kaas oo looga hadlaayay midnimada, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada iyo dimoqraadiyadda.

Sidoo kale waxay Guddoonka lawadaageen doorashadii madaxweynaha Midowga Baarlamaanada Aduunka.

DHAMMAAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here