Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku guuleystay kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Doorasho ka dhacday caawa Xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa wareegga ugu dambeeyay ku tartamay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Xasan Cabdi Nuur.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada oo loo kala helay sidaan.

Xasan Cabdinuur oo helay 89 cod.
Sheekh Madoobe oo helay 163 cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here