Sheekh Shariif oo cambaareeyay xariga iyo tacaddiyada ay ku kaceyso dowladda

0

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay xariga iyo tacaddiyada ay dowladda Federaalka ay kula kacayso shacabka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho.

 

War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu Sheekh Shariif ku sheegay in dulqaadkii shacabka iyo dhallinyarada caasimadda uu gabaabsi yahay, isla markaana xaaladdu gaartay heer halis ku ah nolosha dadka, jiritaanka dowladnimada iyo xasilloonida dalka.

“Waxaan Madaxweynaha xusuusinayaa in shacabka iyo dhallinyarada caasimadda uu ka dhammaaday dulqaadkii, islamarkaana la soo gaaray marxalad halis ku ah nolosha dadka, jiritaanka dowladnimada iyo xasilloonida dalka, qasabna ay tahay in laga hortago,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in horey ay u jireen tacaddiyo la mid ah kuwa hadda , taas oo ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, islamarkaana si adag loola dhaqmay shacabka halkaas ku nool.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale tilmaamay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisa ay ku jiraan dhammaadka muddo xileedkooda, isaga oo ku eedeeyay inay dardar gelinayaan falal uu ku tilmaamay boobka hantida guud iyo barakacinta dadka danyarta ah.

Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka in ay joojiso tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwa halista ku ah xasilloonida dalka, isla markaana la dhowro xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here