Muqdisho — Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka uu dhammaaday, isagoo xusay in aan weli lagu heshiin hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay.
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaannada dowladda waqtigoodii dastuuriga ahaa uu dhammaaday, isla markaana loo baahan yahay in si degdeg ah loo helo heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka dalka.
Sheekh Shariif ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in madaxda siyaasadda iyo saamileyda kale ay yeeshaan wada-tashi iyo is-afgarad si looga fogaado khilaaf siyaasadeed iyo xaalado amni oo dalka saameeya.
DAAWO.




