Shariif Sheekh Axmed oo baaq culus kasoo saaray xaaladda guud ee dalka

0

MUQDIHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay kaga hadlay digniin ay soo saartay Hay’adda NISA , hay’adda ayaa digniintaas ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shariif Sheikh Axmed, ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ay ayaan darro aad uweyn tahay in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka ay dacaayad u sameeyneyso Al-Shabaab, hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka.

Madaxweynihii hore ayaa ra’iisal wasaare Rooble iyo Golahiisa wasiiradda ugu baaqay in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo uga digay Madaxweynaha Soomaaliya iyo hay’adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here