Shiinaha oo Maraakiib dagaal usoo diray xeebaha Soomaaliya + sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Shiinaha ayaa sheegay inuu labo markab oo kuwa dagaal usoo diray xeebaha Soomaaliya si ay u galbiyaan maraakiibta ganacsi ee isticmaala biyaha Gacanka Cadmeed.

Maraakiibtan oo ah kuwa diyaaradaha xambaara, ayaa qeyb ka noqday howlgalka la dagaalanka kooxaha burcadbadeeda Soomaaliya, oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay afduubkooda aad u yaraadey.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay inay xoojin doonto howlgalkeeda xeebaha Soomaaliya si loo xaqiijiyo amniga maraakiibta ganacsiga oo mudo dhibaato kala kulmayay burcadbadeeda.

Golaha amaanka ee QM ayaa dhawaan kordhisay howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee Atlanta, oo ay qeyb ka yihiin dalal dhowr ah oo Yurub iyo Asia katirsan.

Maadaama aysan dhicin wax afduub ah dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, waxaa la filayaa in sanadkan lasoo afjaro howlgalka Atlanta ee la dagaalanka burcad-badeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here