Shil diyaaradeed oo goordhow ka dhacay garoonka magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya shil diyaaradeed oo goordhow ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Diyaaraddan oo lagu magacaabo Salaama Air ayaa wadday dad rakaab ah, waxaana ku timid cilad sababtay inay u bixi waayeen lugaha, kadibna waxa ay ku degtay meel banaan ah oo kamid ah isla garoonka Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabelle u xaqiijiyay in shilkan uusan gaysan wax khasaare nafeed ah, waxaana haatan socda dadaallo lagu soo daabulayo dadkii shacabka ahaa ee la socday diyaaraddaasi.

Wixii soo kordha kala soco: Shabellemedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here