Shirka Golaha Wadatashiga oo weli ka socda magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Shirka golaha wadatashiga qaran ee u socdo ra’iisul wasaaraha, madax goboleedyada iyo duqa Muqdisho ayaa galay maalintii saddexaad oo xiriir ah.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha taagan, gaar ahaan muranka hareeyey doorashooyinka iyo sida loo sixi karo khaladaadka jira.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka maanta ay ku biiri doonaan ururada bulshada rayidka ah, si ay iyaguna talooyinkooda ugu biiriyaan shirka wadatashiga qaran ee Soomaaliya.

Shalay waxaa shirka ka qeyb-galay wakiilada beesha caalamka iyo sidoo kale xubnaha midowga musharixiinta oo la kulmay golaha wadatashiga qaran ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here