Shirka golaha wadatashiga qaran oo ka furmay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (SMN) -Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daah-furay shirka Golaha Wadaatashiga Qaran, kaas oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo ah oo mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya dhammaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo sidoo kal duqa magaalada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaraaa amniga iyo dardargelinta arrimaha doorashooyinka, daahfurnaanta iyo sidoo kale  jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya oo muhiim u ah doorashada madaxweynaha.

Golaha wadatashiga ayaa sidoo kale shirkooda kusoo aadaya, sidii looga gudbi lahaa xaaladda cakira ee dalka, gaar ahaan khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here