Shirka Qaran ee Waddada Soo Kabashada Soomaaliya: Dardargelinta Iskudubaridka dhismaha adkeysiga

0

MUQDISHO [SMN] – Waxaaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay “Shirka Qaran ee Waddada Soo Kabashada Soomaaliya: Dardargelinta Iskudubaridka dhismaha adkeysiga” oo ay uu soo qaban qaabiyay mashruuca ka soo kabashada xasarada ee Soomaaliya oo ay wadajir u fuliyaan wasaaradha maaliyadda iyo qorsheynta, sila markaana uu maalgeliyo bangiga aduunka.

 

Wasiirrada maaliyadda iyo Qorsheynta Biixi Cige iyo Cabdiraxmaan Beenebeene oo ay wehliso Madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya Kristina Swensson.

Wasiirka maaliyadda ayaa ka hadlay muhiimmada uu barnaamijkan u leeyahay Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in xal loo helo arrimaha u adkeysashada aafooyinka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Cige ayaa dhankiisa xusay in dowladdu diiradda saareyso dhismaha hay’adaha dowladda, taas oo xal u noqon karta nuglaanta bulshada.

Madaxa bangiga aduunka ee Soomaaliya Kristina Swensson, ayaa hay’adaha dowladda ku maantay kabashada degdegta ah ee ay sameynayaan. Waxa ayna xustay in Soomaalida awood u leeyihiin dhismaha hay’ado sal adag muddo kooban, taas oo Meesha ka saareysa nuglaanta qeyba badan oo bulsahda kamid ah.

Sidoo kale saddexda masuul ayaa maanta wadajir u soo bandhigay “Qorshaya u diyaarsanaanta dhibaatooyinka amniga cunnada”.

Qorshaha ayaa sharxayaa sida si firfircoon loola socon lahaa khataraha cunno yaraanta ito nafaqo xumada, waxa uuna faahfaahinayaa borotokoolka si tallaabo-tallaabo ah iyo waqtiyada iskudubaridka maalgelin dheeraad ah iyo tallaabo hore looga jawaabayo soo ifbaxa iyo dhibaatooyinka waaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here