Shirkii Golaha Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka oo ka furmay Afisyooni

0

Shirkii Golaha Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ayaa goor dhow ka furmay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulankan oo uu shir gudoominaayo Madaxwaynaha JFSMaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa kasoo qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha JFS , dhammaan Madaxwaynayaasha Maamul Goboleedyada dalka Iyo duqa magaalada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa kulanka maanta diirada lagu saarayaa ajandaha shirka arrimaha wada-tashiga doorashooyinka iyo diyaarinta dhinacyada ka qeyb-galaya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda Teendhada Afisyoone.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here