Sidee loo kala helay codadka wareega 1-aad ee doorashada guddoonka BF?

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa goordhow la soo gabagabeeyey tirinta codadka wareega koowaad ee doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, taas oo ka socota Teendhada Afisyooni.

Musharixiinta ayaa si weyn ugu loolamay wareegan, waxayna codadka u kala heleen sidatan:-

Xasan Cabdinuur 98-cod

Sheekh Aadan Madoobe 74-cod

Cabdulaahi Black 33-cod

Aadan Saransoor 23-cod

Shariif Maxamed Cabdalla 13-cod

Cabdirashiid Maxamed Xidig 6-cod

Xildhibaan Saadaq Cabdullahi Cabdi 5-cod.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ee guddoonka Golaha Shacabka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa shaaciyey in wareega 2aad ay u gudbayaan 4 musharax ee ugu codadka badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here