Muqdisho – Lataliyihii sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa maanta si rasmi ah uga dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Madaxtooyada.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in go’aanka is-casilaaddiisa uu la xiriira caqabado iyo is-mariwaa siyaasadeed oo ka jira dalka, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo halis gelin kara xasilloonida siyaasadeed iyo amniga.
“Waxaan maanta iska casilay xilkii lataliyaha sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur, isagoo intaas ku daray inuu si dhow ula wadaagi doono shacabka aragtidiisa ku aaddan xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee jira.
Is-casilaaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay ka harsan tahay wax ka yar 20 maalmood dhammaadka muddo-xileedka hay’adaha dowladda, oo ku eg 15-ka May 2026.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo isa soo taraya, iyadoo ay jiraan dooddo la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo marxaladda kala-guurka ee dalka.
Ilo wareedyo siyaasadeed ayaa sheegaya in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay tahay mid xasaasi ah, iyadoo la filayo in toddobaadyada soo socda ay noqdaan kuwo go’aan leh oo saameyn ku yeesha jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.




