MUQDISHO – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan la yeeshay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca gurmadka iyo ka hortagga musiibooyinka.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Hay’adda SoDMA ee Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhexeysa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah iyo wax ka qabashada khataraha la saadaalinayo inay dalka soo wajahaan.
SoDMA ayaa sheegtay in labada dhinac ay si gaar ah uga wada hadleen saameynta la filayo ee roobabka El Niño, iyo sidii loo diyaarin lahaa qorshayaal wax ku ool ah oo lagu yareyn karo khasaaraha ka dhasha xaaladaha cimilada.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay dardargelinta howlaha gurmadka degdegga ah, samatabbixinta dadka ay musiibooyinku saameeyaan iyo sidii si dhaqso leh loogu gaarsiin lahaa gargaar bulshooyinka nugul.
Hay’adda SoDMA ayaa tilmaantay in iskaashiga ay la leedahay Ciidanka Xoogga Dalka uu muhiim u yahay sare u qaadidda awoodda dalka ee ka jawaabista xaaladaha musiibooyinka iyo ilaalinta shacabka xilliyada ay dhacaan xaalado adag.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida weyn ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada, iyadoo sannadihii la soo dhaafay ay dalka ka dhaceen abaaro iyo fatahaado sababay barakac iyo baahiyo bani’aadannimo oo ballaaran.




