MUQDISHO – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shir wadatashi ah oo looga hadlayay diyaarinta Istiraatiijiyadda Soo-kabashada iyo U-adkaysiga Abaaraha.
Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay SoDMA iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), iyadoo kulanka oo socday muddo laba maalmood ah ay ka qaybqaateen wakiillo ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada.
Intii uu socday shirka ayaa diiradda lagu saaray talooyin iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo diyaarin lahaa istiraatiijiyad wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo soo-kabashada iyo u-adkaysiga bulshada Soomaaliyeed ee saameynta abaaraha. Talooyinka iyo aragtiyada kasoo baxay kulanka ayaa saldhig u noqon doona diyaarinta Istiraatiijiyadda Soo-kabashada iyo U-adkaysiga Abaaraha.
Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa bogaadiyay ka qaybgalayaasha iyo bah-wadaagta kaalin ka qaadanaya diyaarinta istiraatiijiyadda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-tashiga iyo iskaashiga hay’adaha kala duwan.





