Somaliland oo gacanta kusoo dhigtay askari aabihiis ku dilay gobolka Sanaag

0

CEERIGAABO (SMN) – Taliska ciidamada booliska Somaliland ayaa sheegay inay maanta gacanta ku dhigeen askari xalay aabihiis ku dilay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

 

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Cabdi ayaa la sheegay in xabad ku dilay aabihiis oo lagu magacaabi jiray Marxuum Maxamed Cabdi Nuur (Xamari).

Somaliland ayaa sheegtay in haatan eedeysanaha uu gacanta ku jiro, isla markaana si deg deg ah loo horgeyn doono sharciga.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Ciidamada Booliska JSL garahaan Qaybta Gobalka Sanaag ayaa gacanta kusoo dhigay Edeysane  Cabdiqaadir Maxamed Cabdi oo ku eedaysan inuu xalay Abbaarro 8:00 Habeenimo ku dilay Aabbihii  Marxuum Maxamed Cabdi Nuur (Xamari) Magaalada Ceerigaabo , waxaanu ku dilay xabbad.

Hawlgal iyo dedaal dheeriya oo  Ciidanku sameeyay ayuu kusoo qabtay eedaysanaha , waxaanu ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska,  iyadoo degdeg loo  horgayn doonaa sharciga.

Taliska Ciidanka Boolisku wax uu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa inay ilaaliyaan nabadgalyada , waxii Amni darro wadana naga gacansiiyaan.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here