Somaliland oo ka hortimid tallaabadii ay qaaday dowladda Soomaaliya

0

HARGEYSA (SMN) – Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa looga hadlay tallaabadii ay shalay qaaday dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah maamul KMG ah ugu aqoonsatay SSC-KHAATUMO.

 

Ugu horreyn Somaliland ayaa cambaareysay go’aanka ka soo baxay dowladda federaalka ee ku aadan aqoonsiga maamulka SSC.

“Xukuumadda Somaliland waxay si adag u caddaynaysaa in aanay Soomaaliya iyo malleeshiyo beeleed midna ka talin ama sheegan Laascaanood” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in arrintan ay tahay weerar lagu soo qaaday qaranimada Somaliland, isla-markaana ah xagudub weyn.

“Aqbalaadda Soomaaliya ee ku dhawaaqida Maleeshiyada, waa weerar badheedh ah oo lagu soo qaaday qaranimada iyo wadajirka Somaliland ee xuduudaheeda 26 June 1960” ayaa la sii raaciyay warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo ay Somaliland tiri “Tallaabadii ay Soomaaliya dhawaan ku marti-gelisay oo ay ku aqoonsatay hoggaamiyeyaasha maleeshiyada Somaliland-diidka ah ee Muqdisho ku sugan, ayaa si weyn u khatar gelinaysa nabadda iyo nabadgelyada gobolka, taas oo caddaynaysa in Soomaaliya ay ka qayb-qaadanayso hurinta dagaallada iyo xasillooni-darrada Laascaanood billowgiiba”.

Si kastaba, arrintan ayaa sii kala fogeyneysa Muqdisho iyo Hargeysa oo horay u yeeshay wada-hadallo xaasi ah, inkastoo ay haddane hakad galeen sanadihii u dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here