Somaliland oo shaacisay natiijada baaris ay ku sameysay maydka C/Naasir Dahable

0

HARGEYSA (SMN) – Agaasimaha guud ee Isbitaalka Hargeysa Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan ayaa maanta shaaciyay natiijada baaritaan ay ku sameysay maydka marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo shalay laga dajiyay magaalada Hargeysa ee maamulkaasi.

 

Marxuumka oo todobaadkii hore ku dhintay Muqdisho ayaa ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda duulista rayidka hawada Soomaaliyeed, waxaana isaga oo mayd ah laga helay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Ceel Qalow ee degmada Wadajira.

Somaliland ayaa sheegtay in kahor inta aan la dilin marxuumka loo gaystay jirdil xoogan, kadibna xariga lagu ceejiyay.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in marxuum Cabdinaasir loo gaystay dhibaato kale oo weyn, isla markaana saddexdii cishe ee ugu dambeysay talaagadii uu ku jiray maydka laga jaray dabka, uuna isbeddalay jirka marxuumka.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa maanta lagu aasay qabuuro ku yaalla magaalada Gabiley ee Somaliland, mana cidda illaa iyo hadda cida ka dambeysa dilkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here