Soomaali laga soo musaafuriyay dalka Libya

0

TRIPOLI (SMN) – Wasiirka arrimaha gudaha Liibiya Imed Trabelsi ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay in dalka ku yaalla waqooyiga Afrika uu soo tarxiilay in ka badan 250 qof oo tahriibayaal ah oo aan sharciyeysnayn oo ka kala yimid waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika iyo Aasiya, loona dhoofiyay dalalkooda.

 

“Maanta, waxaa meeshan (Xarunta Tarik al-Sikka) laga musaafurin doonaa koox dad ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan, waxaana ku lug leh dad ka kala yimid Soomaaliya, Niger, Chad, Sudan, Bangladesh iyo Nigeria,” ayuu yiri Imed Trabelsi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Libya. .

Wadamada Waqooyiga Afrika ayaa 10kii Agoosto isku raacay in ay wadaagaan mas’uuliyadda hoy u ah boqollaal muhaajiriin ah oo ku xayiran xuduudkooda, taas oo soo afjaraysa mashaqadii muddo bil ah socotay oo ka dhalatay cayrin ballaaran oo ay Tuniisiya ku sameysay muhaajiriinta.

Ilaa 2,000 oo muhaajiriin ah, oo ugu horrayn ka yimid waddamada Saxaraha ka hooseeya, ayay mas’uuliyiinta Tunisia u kaxeysteen degaanka saxaraha fog ee Ras Jedir, waxayna uga tageen halkaas si ay naftooda ugu badbaadiyaan, sida ay sheegeen goob-joogayaal, kooxaha xuquuqda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here