Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal

0

Aljeeriya – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Mudane Yuusuf Axmed Xasan Yuusuf Jeego, ayaa kulan kula yeeshay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda u qaabilsan Jaaliyadaha Dibadda, Mudane Sufyaan Shaayib.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada dhaqanka iyo waxbarashada sare, iyo sidii labada dhinac ay uga faa’iideysan lahaayeen khibradaha iyo fursadaha ka jira dhinacyada macdanta iyo khayraadka kalluumeysiga.

Dowladda Aljeeriya ayaa sidoo kale kordhisay tirada deeqaha waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliyeed, iyadoo gaarsiisay 100 deeq waxbarasho. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga waxbarashada sare, korna loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan, loogana faa’iideysan lahaa fursadaha jira si loo xoojiyo xiriirka labada dowladood.

Iskaashigan ayaa qayb ka ah xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, iyadoo labada dal ay doonayaan inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isla markaana abuuraan fursado cusub oo wax ku ool u ah danaha labada dal iyo shacabkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here